Afrika Oo Dhaqaale Gaadhaya 237 Milyan Ku Wayday Bakhtiinta Internet-ka Ilaa 2015

0
48 views

Hargeysa(Sayruuq) Ugu yaraan lacag gaadhaysa 237 Milyan oo doollar ayay Afrika ku lumisay Internet-ka oo la bakhtiiyay ama cilladaha Internet-ka sida lagu sheegay warbixin ay shaaciyeen The Collaboration on International ICT Policy for East and Southern Africa (CIPESA). Warbixintan oo lagu soo bandhigay Jimcihii kulan lagu qabtay Koonfur Afrika oo lagu eegayay xorriyadda Internet-ka ee Afrika waxa lagu sheegay  in ay jirtay 236 maalmood oo Internet-ka la bakhtiiyay waddamada ka hooseeya Saxaraha ee Afrika ilaa sanadkii 2015.

“Joojinta ama bakhtiinta Internet-ka in yarna ha ahaatee waxay curyaamisay koboca dhaqaalaha, waxay carqaladaysay gudbinta adeegyo muhiim ah, waxay doc-wareentay kalsoonida ganacsiga, waxaanay kor u qaaday halista dalalka. Waddamada Afrika waa in ay joojiyaan amridda in Internet-ka la bakhtiiyo,” Sidaas ayaa warbixinta lagu yidhi.

Ilaa 12 dal oo Afrikaan ah ayaa Internet-ka bakhtiiyay ka hor iyo kadib xilliyo ay doorasho galayeen kuwaas oo ay ka mid yihiin; Yugaandha, Kongo, Jaad, Gaboon, Nayjar iyo Gambiya. Waddamadan ayaa xannibay xidhiidhka Internet-ka sanadihii la soo dhaafay xilliyo ay doorashooyin galayeen.

Waddamada Afrika ayaa Internet-ka bakhtiiya xilliyada ay jiraan muddaharaadyo ka dhan ah dawladda sida: Togo oo mucaaradka ka xannibtay Internetka xilli ay dibadbaxyo samaynayeen. Itoobiya oo 36 maalmood Internet-ka u xannibtay dalka oo dhan ama gobollada qaar waxay ku waday 123 Milyan oo doollar. Itoobiya ayaa Internet-ka xannibtay xilliyadii muddaharaadka Oromada iyo imtixaanaadkii Qaranka oo la dagaallanka Qishka loo bakhtiiyay.

Camaruun oo 93 maalmood Bakhtiisay Internet-ka ayay warbixintu sheegtay in ay ku wayday dhaqaale dhan 38 Milyan.

Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.