Afhayeenkii Siilaanyo Oo Shirkaddaha Haamaha Shidaalka Laga Qaaday Ku Boorriyay In Ay Maxkamadda Ka Dacwoodan

0
200 views
Afhayeenkii Siilaanyo Oo Shirkaddaha Haamaha Shidaalka Laga Qaaday Ku Boorriyay In Ay Maxkamadda Ka Dacwoodan

Afhayeenkii Siilaanyo Oo Shirkaddaha Haamaha Shidaalka Laga Qaaday Ku Boorriyay In Ay Maxkamadda Ka Dacwoodan
Hargeysa (Sayruuq)- Afhayeenkii Madaxweynihii hore ee Somaliland Xuseen Deyr, ayaa sheegay in Xukuumaddii Siilaanyo ay sifo xalaal ah ku ganacsato reer Somaliland ah ugu wareejisay Haamaha shidaalka Berbera, isaga oo xusay in aanu Madaxweyne Biixi marnaba tirtiri Karin raadka macalinkiisii Siilaanyo uu ka tegay.

Xuseen Deyr oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Annigu ma qabo in Xukuumaddii Axmed Siilaanyo ee aan annigu ka mid ahaa inay sifo sharci darro ah ku bixisay Haamaha, in hantidii qaranka ee ahayd Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera lagu wareejiyo Ganacsato reer Somaliland ah oo gaar ah oo iyagu 100% ay maamulaan muddo 25 sanadood ah annigu waxaan aaminsanahay in sifo sharci ah uu ku baxay, sababtoo ah Dowladu heshiis ayey la gashay Ganacasatadaa.”
Afhayeenkii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa Ganacsatadii Haamaha shidaalka haysan jirtay fariin u diray, isagoo ugu baaqay inay maraan jid kasta oo ay Lacagtoodii ku soo ceshan karaan “ Dadkii maalgashada Lacag ayey geliyeen dariiqa ay u marayaan inay lacagtoodii dib ula soo noqdaan iyo inay dacwad furanayaan inay qareeno qabsanayaan arrimahaasi waa arrimo u yaala Berbera Oil Group qolada la yidhaah.” Ayuu yidhi Xuseen Deyr.

Geesta Kale Xuseen Deyr ayaa sheegay in aanu Madaxweyne Biixi marnaba baabiin Karin raadka macalinkiisii Siilaanyo “Muuse Biixi Cabdi oo kaydka haamaha shidaala Berbera dib usoo celiyey iyo arrimaha Madaarka nabad-gelyada iyo barkinka,macnaheedu mahaa raadkii hore ee Axmed Siilaanyo ayuu tirtirayaa , raadka Axmed Siilaanyo ee hore maaha wax tirtirmaya wuxuu Muuse tirtirikarano maahaa, sababtoo ah Madaxweyne Muuse iyo Axmed Siilaanyo waa laba nin oo in badan siyaasada kusoo wada jiray inuu sii dhiso mooyaan marnaba raadkiisii ma tirtirayo.”
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.