Afhayeenkii Isbahaysiga Sucuudiga Oo Hargeysa Yimid

0
1,058 views
Afhayeenkii Isbahaysiga Sucuudiga Oo Hargeysa Yimid

Afhayeenkii Isbahaysiga Sucuudiga Oo Hargeysa Yimid
Hargeysa(Sayruuq) Ilo diblamaasiyadeed oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa mareegta Somalilandchronicle u xaqiijiyay in 21 September uu Hargeysa yimid taliye xigeenka Sirdoonka Sucuudiga (Al Mukhabarat Al A’amah) Sareeye Gaas Axmed Xasan Maxamed (Asiri) ahna afhayeenkii hore ee xulufada militariga Sucuudigu hoggaamiye ee Yemen dagaalka ka wada.

Kulan xogtiisa aad loo ilaaliyay ayaa dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Jeneraalka ka socday Sucuudiga waxaana loo arka dardar la galiyay xidhiidhka diblamaasiyadeed ee Riyaad iyo Hargeysa. Dhawaan madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa si sare loogu qaabilay qasriga looga taliyo Sucuudiga. Sidoo kale waxa Hargeysa laga xusay maalinta Qarannimada Sucuudiga.

Masuul sare oo ka tirsan xukumadda madaxweyne Biixi oo magaciisa la qariyay ayaa Somalilandchronicle u xaqiijiyay bookhashada sarkaalkan sare ee Sucuudigu ku yimid Somaliland “Sucuudi Carabiya aad bay u danaynaysa Saldhigga Militari ee Berbera oo ay ku weheliso isbahaysigeeda isu tagga Imaaraadka Carabta. Haddii ay arrimaha oo dhan haggaagana madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu tagi doona Jidda si uu ula kulmo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan,” Sidaas ayuu yidhi masuulka magaciisa qariyay.

Boqortooyada Sucuudiga oo door weyn ku yeelatay dib u heshiisiinta dalalka Geeska Africa ayaa hadda u muuqata mid si weyn u danaynaysa Somaliland. Sarkaal mucaaradka ka tirsan oo socdaalka Sucuudiga ku wehelinayay madaxweyne xigeen Saylici ayaa laga soo xigtay in Boqortooyadu si weyn u danaynayso Somaliland.

Source: Halkan ka akhriso xogtan

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.