Afhayeenka Booliska Oo Ka Hadlay Xukun Lagu Riday Niman Dhacay Nin Ajaanib Ah

0
161 views

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa ayaa laba sanadood iyo sagaal bilood oo xadhig ah ku xukuntay saddex dhalinyaro oo horay dhac ugu gaystay magaalada Hargeysa nin u dhashay dalka Japan.

Ninkan u dhashay dalka Japan oo ahaa sawir-qaade ayaa waxay dhalinyaradani ka dhaceen lacag gaadhaysa shan kun oo dollar iyo Camerad.

Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Maxamed ayaa sheegay in dhalinyarada la xukumay ee ninka u dhashay dalka Japan ay lacagtii ay ka dhaceen ninkaasi ku iibsadeen gaadhi nooca raaxada ah.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.