Afar Qodob Oo Laga Soo Saaray Colaadda Ceelafweyn

0
543 views
Wada Hadalka Ceelafweyn Oo Maanta Furmaya

Afar Qodob Oo Laga Soo Saaray Colaadda Ceelafweyn

Weftiga madaxweyne xigeenka Somaliland hoggaaminayo ee degmada Ceelafweyn u jooga daminta colaadda labada beelood ayaa soo saaray qodobo hor dhac ah oo lagu sugayo ammaanka muddada wada xaajoodka iyo xaqiiqo raadinta labada dhinac socoto. Weftigu wuxuu sheegay in dhammaan ergadii hawsha galaysay oo ku dhaw 70 xubnood hadda wada gaadheen Ceelafweyn lana bilaabayo dhexdhexaadinta.

Qodobada bud dhigga u ah nabadda:-

In ciidamo beeleedyada nin waliba uu ku sugnaado halkii loo qorsheeyay.

2 In Ciidamadaas cidii ka tirsan ee lagu arko meel aan ahayn meeshii loo qorsheeyay loo aqoonsanayo inay yihiin fidmo wadayaal.

3 In Ilaalinta dhaq-dhaqaaqyada ciidamada hubaysan ee beelaha ay masuul ka yihiin ciidamada Qaranka Somaliland iyo

4 In Ilaalinta nabad-galyadu ay tahay danta guud ee qaranka, gaar ahaan danta Ceel-afweyn, waxaanu xil-buuxa naga saaran yahay soo afjarida mashaqadaas.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.