” adeegyadii caddalada ayaanu kor u qaadnay waxaana ugu horeeya in umada iyo dadka la fahansiiyo waa maxay caddaaladu?”

0
173 views

” adeegyadii caddalada ayaanu kor u qaadnay waxaana ugu horeeya in umada iyo dadka la fahansiiyo waa maxay caddaaladu?”
Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirka wasaaradda caddaalda jamhuuriyada Somaliland Md. cabdiqani maxamuud caateeye oo xafiiskiisa ugu waramayay qaar kamida warbaahinta madaxa banaan aya sheegay inay sare u qadeen adeegyada caddalaada ee loo fidiyo dadka reer Somaliland.

Wasiir cabdiqani maxamuud caateeye, waxaa uu tilmaamay in wasaarada caddaladu ku dadaalayso sidii dadka muwaadiniinta ah lo bari lahaa waxyaabaha ay xaqa u leeyihiiin ee waajibka ku ah iyo waxa uu dalkoodu xaq ugu leeyahayba “waxa aanu ka shaqaynaa waa adeegyo cadaladeed markaa adeegyadii caddalada ayaanu kor u qaadnay waxaana ugu horeeya in umada iyo dadka la fahansiiyo waa maxay caddaaladu ? wax uu qofku xaq u leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahayba waxa aanu soo samaynay barnaamijyo laga baahiyo telefishanada oo ay soo jeediyaan macalimiin iyo aqoonyahano ku xeel dheer sharciga ku waas oo muwadiniinta baraya waxa xaq loogu leeyahay iyo waxa aan xaq loogu laheyn taas oo dad badana gaadhay” ayuu yidhi wasiirka caddaladu .

Waxa kale oo uu intaasi ku daray wasiirku waxa aanu samaynay in aanu kor u qaadnay adeegadda caddaladda oo anu dadka siino talo bixin oo hadii aanu nahay wasaaradda caddaladda dadka noo yimaada ee cabashooyinka qaba aanu u tilmaano halka ay cabashooyinkooda u marayaan iyo meelaha ku haboon ee ay u gudbiyaan , waxa aanu samayn in aanu kor u qaadnay xabsiyada dalka oo dib u habyn nidaamkooda shaqo sare loo qaaday, waxa kale oo anu smaynaa in qareenada iyo wasaarada cadalaadu ay si aad ah u wada shaqeeyaan maadama oo ay qareenadu yihiin kuwa hormuudka u ah caddaaladda oo garsoorka ku qancin kara waxa ay u sheegaana qadanaya waxa aanu kor u qaadnay adeegyada nootaayooyinka halka aanu sidoo kale kor u qaadnay xuquuqda caddaaladeed ee haweenka iyo caruurta sharciga khilaaftka.

Wasiirka caddalada oo la waydiiyay su’aal ahayd waxa ka wasaarad ahaan ka qaban cabashooyinka dadka danyarta ah ka muujiyaan caddaalad darooyin ay ka tirsadaan hay’adaha caddaaladda iyo bahda garsoorka , waxa uu ku jawaabay “waxaa jira wax la yidhaahdo udoode dadweyne sharci yaqaano ah oo gobaladda oo dhan noo jooga oo u dooda dadka danyartaa ah ee aan awoodin in u qabsan karo qareen u dooda, waxa aanu ka cawinaa oo aanu u qabanaa qareen kaas ayaa u dooda oo wixii uu xaq u leeyaha usoo dhiciya” waxaa kale oo uu wasiirku ka xog waramay safar uu dhawaan ku tagay dalka jabuuti iyo balan qaad ay ka haleen wasiirka caddalaadda waddanka jabuuti.

Waxa aanu la kulanay wasiirka caddalaadda ee jabuuti oo si wanaagsan nooso dhaweeyay kaas oo aanu kasoo helnay balanqaad ah inaanu is waydaarsano tababaro is dhexgal ah oo dhinaca ciidanka asluubta ah ee labada dal imikana waxaa lagu jiraa xiligii kulaylka ee xagaaga marka kulaylku dhamaadana aanu ciiidanka ka mida ah asluubta Somaliland aanu gayno jabuuti tababrna xaga aqoonta ciidanka asluubta iyo xirfadaha ay iswaydaarsadaan.

Sayruuqnews.com
Hargeysa-Somaliland
sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.