Addoonimada Casrigan

0

Addoonimada Casrigan

Jack Ma oo ah ninka ugu taajirsan Shiinaha oo hantidiisa lagu qiyaasay ilaa 39 Bilyan oo Doollar ayaa yidhi:
Haddii aad daanyeer hor dhigto Muus iyo Lacag , waxaan shakki ku jirin in uu muuska dooranayo waayo isagu ma garanayo in lacagtu ay u jarayso muus fara badan. Haddaba haddii aad tijaabadan oo kale ku samayso dadka oo aad kala doorransiiso in ay bilaabaan mashruuc iyo in shaqo mushahar leh la siiyo, dadka intooda badani waxay dooranayaan shaqada musharka leh, Sababta oo ah ma garanayaan in mashruucu u dhalayo lacag ka badan ta mushaharka sidoo kalena uu si buuxda u baddelayo noloshooda.

Waxyaabaha dadka sabooltinimada ugu wacan waxaa ka mid ah in ayna garanayn fursadaha ay ka heli karaan mashaariicda.. taasna waxaa u sabab ah in yaraantoodii markii ay dugsiyada ku jireen lagu soo barbaariyey in ay u dedaalaan si ay mustaqbalka u helaan shaqo mushar leh. Haa waa run oo musharku waxa uu kaa ilaalinayaa faqriqa balse ogow in uu sidoo kale kaa hor istaagayo hodontinimada. Ninkan maal qabeenka ah ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday waligay ma arag ruux cid kale u shaqeeya 8 subaxnimo ilaa 3 galabnimo oo taajiray, haddii ay taasi dhacdana qofkaasi musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ayuu ku taajiray. (Dabacan

Haddaba Akhyaareey ma la odhan karaa shaqaalenimadu waa addoonimo Casri ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.