Abaar Saamaysay 47% Bulshada Somaliland

0
252 views
Abaar Saamaysay 47% Bulshada Somaliland

Abaar Saamaysay 47% Bulshada Somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in Abaar baahsani ku dhufatay deegaamada Somaliland. Faysal Cali Shiikh Guddoomiyaha Hay’adda U-diyaar garowga Aafooyinka iyo Keydka Raashin waxa uu sheegay in Abaartu saamaysay in ka badan Hal milyan iyo Todobo boqol oo qof oo u dhiganta 47% shacabka Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa caalamka iyo gancsatada Somaliland ugu baaqay in si midaysan loogu gurmado dadkaasi. Abaarta ayaa u badan degaannada xeebaha ee gobolka Awdal.

Sanadihii la soo dhaafay waxa Somaliland ku soo noqnoqday abaaro baahsan oo dhaqaale burbur badan u gaystay kadib markii xoolaha oo lafdhabar dhaqaale bulshada u ahaa si weyn ugu jabeen abaaraha soo noqnoqday sidoo kalena dalagga beeruhu suuro gali waayay in uu soo go’o.

 

Wasiir Sacad oo Sheegay in Tawstii Abaaruhu ay Wiiqday Mustawihii Siyaasadeed ee Somaliland ku Lahayd Caalamka

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.