“Abaabulka & Diblamasiga Ba Waa La Inaga Horeeya,” Faysal

0
532 views
Qalbi Dhagax Oo Hargeysa Lagu Casuumayo

“Abaabulka & Diblamasiga Ba Waa La Inaga Horeeya,” Faysal

Hargeysa(Sayruuq) Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in nidaamka Soomaaliya dhanka Diblamaasiyadda kaga horeeyo xukumadda madaxweyne Biixi, islamarkaana dagaalka Tukaraq laga dhigay gardarro Somaliland gaysatay.

Maanta dagaal baynu ku jirna, qolada aynu la dagaallamayna rag iyo haweenba dagaalka way ku jiraan, laakiin inagu ciidamada meesha jooga mooye maba ogin. Wadaadkeenii wuxuu leeyahay dagaalka ha la joojiyo, kii(wadaadkii) xaggaa (Puntland) joogayna wuu u soo cabaynaya, Suldaankeenu wuxuu leeyahay dagaalka hala joojiyo kii xaggaasna sahaydii buu soo wada,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal

Waxa kale oo uu sheegay in xukumadda Madaxweyne Muuse oo aan haysan kalsoonida shacabku ku adag yahay dagaalku “Marka dagaal aan shacbi wadan si buu u adkaada iyo diblamaasiyaddii labadaba waa la inagaga horeeya. Abaabulkii iyo xaggii diblamaasiyadda labadaba waa la inagaga horeeya oo inageenii dhibanaha ahayn ayaa la inaga dhigay in aynu dhib gaysanay,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Waxa kale oo uu sheegay in hannaankii qabyaaladaysna ee Kulmiye iyo Waddani ku ololeeyeen wakhtigii doorashadu sababay kala qaybsanaan baylaysan iyo shirkii ka dhacay buurta Gacan Libaax.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.