Aan Qaawiyo Hal-haysyada Madhan:Prof Cabdi Cali

0
158 views
Aan Qaawiyo Hal-haysyada Madhan:Prof Cabdi Cali

Aan Qaawiyo Hal-haysyada Madhan:Prof Cabdi Cali
Aan Qaawiyo Hal-haysyada Madhan ee Establishment-ku Caamada Ku Qanciyeen Siday Ugu Celcelinayeen!!!

Sida qaar badan oo idinka mid ahi garanayaan, Afka-ingiriisiga waxa lagu yidhaa hal-haysyada noocaas ah Cliche’; waa kalmad asalkeedu Fransiis yahay, laakiin English iska noqotay.

Waxan ku matalayaa sidii oo wariye i waraysanayo:
Cliche’ No 1

Wariye: Prof Cabdo, Immika wax badan baad qortaa, figrado wanaagsan baad sheegtaa, dhaliilo ayaad soo bandhigtaa; maxaad u sheegi wayday markaad xilka haysay?

Cabdo: Horta su’aashaa waxa lagaga naxsadaa–in kasta oo iyada lafteedu aanay sax ahayn mar kasta– dadka xilka laga eryo, ee aniga saw ma ogid xil aan iskaga tago mooyee, in aan waligay xil la iga qaadin; teeda kale qofka la eryay laftiisa mar kasta sidaa lama odhan karo; waayo waxa dhici karta in gardarro lagu eryay!!; Establishment-ku waxay ku guulaysteen in ay caamada u dhiibaan in markasta xilka qaadistu sax ahayd; deedna illaa waligii miskiinkaa laga yaabo in laga gardaraa lagu afwaajiyo ma markii xilka lagaa qaaday baad hadlaysaa; bal eeg sida miskiinkaa loo dulmayo, ee looga qaadayo xaqiisa ah inuu cabbiro ra’yigiisa!!!! never enjoy the suffering of others; you are otherwise sadist; if so, go and see psychologist to get proper counselling!!!

Aan jawaabta u soo noqdee, horta markaad xilka hayso, waxa jira wax la yidhaa “Collective responsibility”; talada iyo dhaliisha, si hoose, ayaad ugu gudbinaysaa cidda aad ka hoos shaqaynayso; dee hawada uma marinaysid, adigoo ka inaabsada mooyee; dee markaana iska diyaar garaw, illeyn kollay waa lagu eryi doonaaye, markaad dhaliilaha idaacadda ka sii dayso adigoo xilkii haya; markase aan ka tago waxa waa aniga iyo danimaday, been waa inaanan ka sheegin; laakiin wixii dhaliil ah ee waddanka wax u taraya xor baan u ahay oo immika dabarkii wada-shaqayntu ima hayo!!

Markaad tayda u soo noqoto, dee haddii aanu xilligii ololaha wax badan ballan qaadnay, oo aan rabay in aan gudaha ka shaqeeyo; oo aan saxo wixii khaldan; haddii fursaddii la i siin waayay, dee iska aamusi maayo, ee hawada ayaan marinayaa wax alla wixii dhaliil ah ee aan gudaha ka sixi lahaa; haddii aan u arko in la baal maray ballantii aanu dadka codka kaga helay ama aaminaadii ay na aamineen ee waliba nala sawiray, taasoo dadku moodayeen in aanu talada wax ku yeelan doono.

Haddii la waayay fursaddii, dee ha ku biyo cabto ciddii talada la sii jeesatay in aannaan sidaa ku hadhayn; waayo waxa laga yaaba in codkaba lagu siiyey fadliga aniga iyo kuwa ila mid ka ah ee la sawiray. Markaa xilkayaga waan gudanayaa haddii aan banaanka joogno iyo haddaan gudaha joogno; habeen kaama tagin!!!; may ila socotaa; sidaas bay dooddu daaran tahay ee yaan lagaa iibin halhays madhan ama dood jaban oo dusha uga ekaatay run, sidii loogy celcleinayay!!! that is exactly what they call cliche’; I, indeed, very much hate cliche’.

Teeda kale, mid kaftan ahna aan kuu raaciyee; dee ma nin baa isku sayaxa oo yidhaa dawladda aan ka tirsanahay way xun tahay; saw la odhan maayo maad iskaga tagtid; dee isna hoosta ayuu wax ka saxayaa; xataa haddii immika aan la dhegaysan wuxu is leeyahay mar uun baa lagu dhegaysan oo wuu isnabayaa; dee marku quusto waa halkeeda; oo istiqaaad baa u furan.

Dee, aan dhinac kaleba kaa tuso; waaba dood jabane eeg; koox baad u ciyaaraysaa, dhaliilo way leedhay; madaxda sare ee Team-ka ayaad ka mid tahay; laakiin hoostaad ka wadaa hagaajinteeda;sidee baad idaacadda uga dhaliili kartaa team-ka ciyaarta aad u safan tahay; dee markaan is diidno ee bannaanka aan u soo baxo, dee kooxdii ka soo horjeeday baan ahay; illeyn waanagii isku dhacnaye; dee immika waan ku dhilayaa; sidee Alla kuu qaaday; ma caqligii baa lagaa xaday!!!.

Teeda kale, dee adigu haddaad muwaadinkii tahay waa ku faa’iido in aanu iska soo horjeesano; ka warran haddaanu noqonno laba tuug oo adiga ku heshiiyay!!!; markaan karbaasho, isagoo ka baqaya dhaliishayda maamulkii buu hagaajinayaa; dee adgia muwaadin ahaan waa kuu faa’iido; xaggee Alle kuu qallibay?; I know, it is the Establishment!! Mise adiga , muwaadin, waxa dan kuu ah; ka la eryay ama is calilay ee aamusay dhaliil kasta oo jirta si loo soo celiyo; mise ninka is calilay; ee haddana kuu hadlay; ee aan kala jeclayn in la soo ceiliyo iyo in kale; hadda, ogow labada jeerba wuu danaysan karayay!!!.

Ugu danbayntii, banii’aamka waxa keenaya in qofku wax badan qoro ama sheego; ama hal abuuro; haddii uu abwaan yahay; dee waa marka wax ka xumaadaan; immika haddii labadii is jeclaadaaba is calfanayaan; oo jacaylka iyo calafku isku mid ahaan lahyeen; dee xagaynu ka heli lahay heeshaha Qaraamiga ah ee murtida iyo xikmadda la tiicaya; dee haddii ay wax waliba jam-jam kuu noqdaan, hal abuur ma yeelanaysid; markaa maxaad u cabudhinaysaa, dee ka faa’iidayso hal-abuurka ka soo burqanaya qofka calafku ka xumaaday!!! we are human being; no more, nor less; and this is the nature of human being; Ilaahay baa sidaa nolosha ugu talo galay; maanta hadduu isagu xukunkii haysto, aniguna shaqadan baan haystaa; waanan ku qanacsanahay; Alxmadulillah!!!; dee nin waliba nasiibkee iyo calafkii; isaga Esablishmentka oo dhan baa u shaqaynay; aniga iyo inta ilaahay doonaana xagayga weeyaan!!

Waraysigii wuu socdaa… ballan horena way igu taagan tahay; in aan wax ka qoro sida loo kala ilaalinayo qabyaaladdii oo aynu rabbaynay, Xisbiyadii oo aynu hagaajinay, iyo dawladnimadii oo aynu tubta saxda ah ku ridnay.

Raali ahaada, lectures-kii uu isaguba ka baqday ee uu is yidhi ninkan Cabdo waxanu kugu wareerin doonaa, ayuun baan idinkula soo ciiraye!! ma laga yaabaa in aad idinka laftiinu ka carartaan!!!

Cliche’ NO 2
Buugga Xirsi iyo Fatwada Fiqiga Siyaasadda Marxaladdan!!! Prof Cabdi Cali
Cabdo, u dha-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maaul wanaaggaP
Prof Cabdi Cali Jaamac

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.