“80% Dadku Ma Yaqaan Tirada Baarlamaanka Ama Xildhibaannada Ugu Jira,” Gud. Akademiyadda Nabadda

0
259 views
 “80% Dadku Ma Yaqaan Tirada Baarlamaanka Ama Xildhibaannada Ugu Jira,” Gud. Akademiyadda Nabadda

 “80% Dadku Ma Yaqaan Tirada Baarlamaanka Ama Xildhibaannada Ugu Jira,” Gud. Akademiyadda Nabadda

Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha Akademiyadda Nabadda iyo Horumarka ee Somaliland Maxamed Faarax Xirsi ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay xambaarsanayd daraasad ay ka sameeyeen nidaamka saami qaybsiga kuraasta wakiillada iyo sida ugu haboon ee loo qaybin karo kuraasta. Waxa uu sheegay in aanay bulshada Somaliland aqoon u lahayn baarlamaanka iyo shaqooyinkiisa.

Guddoomiyaha oo lagu waraystay barmaamijka milicsiga siyaasiga ee telefishanka Universal waxa uu muujiyay in xildhibaannada wakiilladu si ay kursiga ugu sii fadhiyaan abuuraan buuqa ku saabsan in aanay degaannadoodu ku qanacsanayn saamiga ay ku leeyihiin golaha laakiin, degaannadoodu aanay aqoonba tirada ugu jirta goleyaasha baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in ay daraasad ka sameeyeen aragtida bulshada ee saami qaybsiga laakiin, ay muuqatay in aanay dhibka wadin bulshadu ee siyaasiyiintu waddo “Daraasadda waxaanu waydiinay dadka maxaad ka aaminsan tahay baarlamaanka? Dadka waxaanu waydiinay tirada baarlamaanka, ma rumaysanaysa dadka Hargeysa in ay garan waayeen tirada gobolka Maroodijeex ku leeyahay baarlamaanka. Dadku 82% waxay garan waayeen tirada guud ee baarlamaanka. Waxaad tagaysa Berbera ama Laascaanood waxaad waydiinaysa xildhibaannada baarlamaanka ugu jira maba yaqaanan,”

“Laakiin, ninka  Laascaanood, Burco, Ceerigaabo, Berbera, Hargeysa iyo Boorama jooga ee baarlamaanka fadhiya wuxuu ku odhanaya isaga oo aan ku odhanayn kursigaygaan ilaashanaya ayuu odhanaya ‘beeshayda ama degaankaygu saami qaybsiga ma ogola’ iska daa in dadku saami qaybsi yaqaanan ee maba yaqaanan tirada kuraasta,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in arrintan ay xoqaan siyasiyiinta kursigooda ilaashanaysa “Marka waxaynu odhan karna arrinta saami qaybsigu waa xasaasi waana arrin siyaasadeed mana ah arrin sharci una baahan si siyaasadeed in loo lafo guro. Doorashadii 2005 waxa dib loo eegay lixdankii waayo ma hayno diwaangelinta bulshada oo suuro gelin lahayd in tirada dadweynaha lagu saleeyo kuraasta oo haddii gobolku yahay 600,000 qof marka tusaale ahaan la odhanayo wuxuu helaya 20% tiina maanta ma hayno,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Akademiyadda

Waxa uu intaasi raaciyay sida loo xallin karo muranka saami qaybsiga “Arrinta saami qaybsigu waxay u baahan tahay xal siyaasadeed waxaanay ka go’da siyaasiyiinta. Ma odhan karo xisbiyada ayay ka go’da waayo xisbiyadu qaybaha siyaasiga ah ee dalka ayay ka mid yihiin laakiin, waxay ka go’da bulshada Somaliland, aniga fikrad ahaan waxay ila tahay in la sameeyo qaab balaadhan oo wada tashi ah oo arrintan laga wada tashado oo aan saddexda xisbi oo kaliya lagu koobin, waxa laga yaaba ninka Awdal jooga ama Laascaanood jooga ama Saylac jooga ama Ceerigaabo in uu ku yidha ‘xisbiyadani reer qudha ayay ka tirsan yihiin ee sidee bay wax iigu qaybin karan’ doodaas ayaa iman karta waana dood xaq ah laakiin, waxay tahay in hawsha salkeeda ama gogosheedu balaadhato,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Waxa kale oo la waydiiyay aragtida bulshada ee ah in aanay xildhibaannadu waxba ka qaban adeegyada loo igmaday waxaanu yidhi “Golihii degaanka ee 2002 la doortay waxa lagu doortay qaabka la yidhaa liistada xidhan waana nidaamka kuraasta iyo codku is yeelanayaan. Nidaamkaas waxa dadka soo xulaya xisbiyada oo shuruudaha lagu xulanayo u dhigaya, marka asxaabtu awood bay leeyihiin. Nidaamka liistada furan odayaasha iyo reeraha ayaa awoodda yeesha, marka nidaamkii dimuqraadiga ahaa waxa af duuba nidaamkii qabaliga ahaa waana halka qabyaaladdu ku xoog weynaato. Imika doorashadii 2012 ee golaha degaanka qofka xisbi laga sharaxayo reerka keenayay, reerku wuxuu lahaa nidaam uu ku soo kala reebo dadkiisa. Waxa timid in reerkii yidhaahdo ‘sanadkan jilibkaas ayaa kursiga wasiirka fadhiya, kaa ciidamadana jilibkaas ba fadhiya, kaa golaha wakiilladana jilibkaasa fadhiya, kaa guurtana jilibkaasa fadhiya, marka jilibkaasa maqan kaas ayaana golaha degaanka yeelanaya marka jilibkii la keeno’ jilibkiina cid kasta ayaa ka iman karaysa marka waxa lumaya nuxurkii iyo ujeedkii laga lahaa nidaamka(Dimuqraadiga ah) iyo afkaarta,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Akademiyadda.

Waxa kale oo uu soo jeediyay in magaalooyinka waaweyn ee Somaliland la doorto qofka maayarka ka noqonaya maaddaama ay xildhibaannada badan mooshin ugu hanjabaan maayarka. Waxa uu sheegay in ay wax badan bedeli lahayd haddii saddexda xisbi magaalo kasta saddex qof oo ay soo sharraxeen ku loolamaan lana doorto ka ugu cod badan maayarkana ay la xisaabtamaan golaha baarlamaanku.

Source: Wargeyska Waaberi

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.