$60 Milyan Bay Xukumaddii Siilaanyo La Baxday

0
877 views
$60 Milyan Bay Xukumaddii Siilaanyo La Baxday

$60 Milyan Bay Xukumaddii Siilaanyo La Baxday

Lacag ka badan $60 malyuun oo dollar oo kaash dollar ah ayaa xukuumaddii hore ee Siilaanyo kala baxday suuqyadda Somaliland.

Lacag ku dhaw sarrifkeedu 70 malyuun oo dollar, oo lacag Shiling Somaliland ah ayaa intii u dhexaysay 2016 ilaa dabayaqadii 2017 la soo geliyay suuqyadda, lacagtaasi suuqu uma baahnayn.

Waxwy keentay taasi in dollarkii kaashka ahaa suuqa ku yaraado, waxay sidoo kale keentay in %60 lacag aan loo baahnayn oo shiling Somaliland ah suuqa lagu sii daayay.

 

Taasi waxaa ka darran, baankii dhexe ee Somaliland ma laha keyd lacag adag “hard currency reserves” lacagtii waxaa lagu shubtay sanaduuq xisaabeedyo bangiyadda gaarka ah.

 

Hees caan ah ayaa waxaa kelmadaheeda aan ka xasuusta “cudurka ka galla fardaha, haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo.

 

Waxaan la yaabay, caqliga keenay in Zaad ku uu sicir bararka sababay, ee garan waayay maxaa looga baahna in la soo daabaco, noodh isku yaalla oo 5000, oo Somaliland ah.

 

Waxaan la yaabanahay, madaxweynaha tallo ku aaminay, masuuliyiintii bangiga dhexe ee ogaa, lana socday in dhagarta dhaqaale dalka la geliyo.

Anigu tallooyinkan ayaan xal u arka

1) haddii madaxweyne Biixi daacad ka yahay in sicir bararka hoos loi dhigo, xukuumaddu ha soi xidh xidho, ciddii amartay in lacag Somailand shiling ah oo u dhiganta 70 malyuun la soo daabaco

2) xukuumaddu waa inay soo celiso lacagtii kaashka ahayd, ee dalkan laga dhacay, waynu is ognahay, ciddii qaadatayna waynu ognahay

 

3) Waa in suuqa laga saaro lacagtan isku taalla ee 5000 ee Somaliland ah, kacagta ugu badan ee isku taalana ay noqota 1000 shiling.

4) madaxweynaha waxaan ka codsanaya inuu eryo masuuliyiinta bangiga dhexe, dhagar dhaqaale ayey masuul ka ahaayeen, xaqiiqdii dal kale hadday ahaan lahayd xabsi daa’in ayaa lagu xukumi lahaa.

5) Xukuumaddu waa inay si dhakhso ah suuqa u geliso lacag dollar ah oo ku dhaw ilaa 10 malyuun oo dollar, lacagta xad dhaafka ah ee shilingka Somaliland suuqa laga yareeyo.

6) xukuumaddu waa inay cashuurta ka dhinto ( Tax cuts) maceeshada quutal daruuriga u badan.

7) madaxweynaha waxaan ka codsanaya inuu sameeyo haayaddii la socodka haayadaha maaliyadda (Financial Service authority), si loola xisaabtamo, loona dhiso shuruucda haayada maaliyadda ee dalka ka shaqeeya.

8 ) xukuumaddu waa inay ka mamnuucdo haayadaha iyo bangiyadda gaarka ah ee dhinaca maaliyaddu inay gacan ku yeeshan sargoynta sarrifka, xukuumadduna waa inay awood u yeelato la xisaabtanka haayadaha maaliyadda.

9) madaxweynaha waxaan ka codsanaya inuu dhiso xafiis hoos yimaadda hanti-dhawrka oo si gaar ah u baadha, danbiyadda dhinaca maaliyadda, musuq maasuqa haayadaha gaarka ah ( Serious fraud office), tusaale ahaan waa in xukuumaddu ogtahay qiimaha ninka ganacsadaha ah ee dibadda wax ka soo dhoofinaya, qiimaha uu soo siistay, qiimaha uu ku iibinayo iyo qiimaha uu faa’iidayo.

Waa inuu xafiiskaasi baadho Sanduuq xisaabeedyada ka furan bangiyadda, lacagaha ugu jirta, waa in lala socda lacagta qallaad ee dalka ka baxaysa, iyo lacagta soo gasha intay tahay.

Wa bilaahi tawfiiq

Maxamed Xasan Diridhaba

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here