5 Arrimood Oo Imaanshaha Maxamuud Xaashi Kulmiye Ku Keeni Karo

0
991 views
Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Beeshiisa Ku Guubaabinaya Inay La Doonaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye: Warbixin

5 Arrimood Oo Imaanshaha Maxamuud Xaashi Kulmiye Ku Keeni Karo

Siyaasi Maxamuud Xaashi oo shalay mar qudha lagu arkay madaarka hargaisa ayaa maanta dadbadani iswaydiinayeen siyaasadiisa cusub iyo halka uu wax ka bilaabi doono, mid kamida meheradaha waaweyn ee shaaha laga cabo oon saaka ku sugnaa ayaa waxaa ka socotay doodo ku saabsan Siyaasada Maxamuud iyo soo noqoshadiisa,

Ana waxaan holaday bal maqiyaaskayga ku cabiro, siyaasada cusub ee Ex.wasiir xaashi.

Maxamuud oo ka mid ahaa masuuliyiintii dhaliyay guusha kulmiye ayaa hore u sheegay in aanu ka mid noqondoonin masuuliyiinta xukuumada cusub, balse dad badan ayaa ogaa in uu raajicinayay in uu bedel u noqdo madaxweynaha maanta uuna u tartamo gudoomiyanimada xisbiga oo hore heshiis laba dhinac ahi uga yaalay labada beelood ee ay ka soo kala jeedaan labadii madaxweyne ee kulmiye, sidaa daraadeed shantan qodob ayaa laga filan karaa soo noqoshadiisa:

▪ Soo noqoshada maxamuud xaashi ayaa la filayaa in ay bilow u noqoto loolanka gudoomiyenimada kulmiye oo rag badani u hanqaltaagayeen, sidii hore u dhacdayna beesha madaxweyne muuse iyo beesha madaxweynihii hore siilaanyo ayaa burco ku kala saxeexday dhamaadkii sanadkii hore in guusha kulmiye kadib sidii dabcigu ahaa xiabiga lagu wareejiyo beeshii hore u haysay hogaanka xisbiga, waxaana musharax u noqday 4 siyaasi oo miisaamo kala duwan ku kala leh beesha barriga burco, raga loolanka ku jiray ayaa waxaa ka mid ahaa:

  • Cabdilaahi Maxamed Ducaale
  • Maxamed Kaahin Axmed
  • Xasan Maxamed Gaafaadhi
  • Maxamuud Xaashi Cabdi

Afartaa siyaasi ayay fartu ku godnayd in mid ka mid ahi xisbiga la wareegi doono, hase yeeshee saddex ka mid ah ayaa Madaxweyne Muuse sadqeeyay oo xilal cul culus u magacaabay, taas oo keentay shaki ah in Maxamuud oo madaxbanaan uu madaxweynuhu u sii xaadhayay jagada gudoomiyenimo, digreetadiisii u horaysay ayuu madaxweynuhu ku magacaabay Maxamed kaahin iyo Xasan gaafaadhi oo uu wasiiro ku taxay, halka digreetadiisii u danbaysayna uu wasiirkii hore ee arimaha dibada Cabdilaahi M.ducaale u magacaabay safiirka midowga africa ee somaliland, arintan ayaa abuurtay shaki ah in sadexdii musharax ee maxamuud kula tartamayay gudoomiyenimadaba la dhaafiyay oo xilal kale lagu mashquuliyay, sidaana waxaa maxamuud ku noqday musharaxa keliya ee u madaxbanaan in barriga burco ugu loolamo gudoomiyenimada kulmiye, dad kale ayaa se aaaminsan in magacaabista ragani tahay qorshe uu madaxweynuhu doonayo in uu meesha kaga saaro Maxamuud Xaashi, soo noqoshada maxamuudna waxa ay keenaysaa in uu hawshii loolanka halkaa ka bilaabo oo uu fursad ugu haysto inta ay xilalka hayaaan ragii la loolamayay, talaabada koobaad ee laga filayaana waa in uu dib u istaadho xulashadii gudoomiyanimada isna horfadhiisyo 300 ee oday ee labada beelood kuwaas oo ahaa ragii heshiiska hore u gaadhay, isna waydiistaan markale wareejintii gudoomiyenimada.

▪Dad badan ayaa aaminsan in Loolanka dhalanaya ee maxamuud uu abuuri karto in ay si wayn u kala fogaadaan labada beelood ee Jeegaanta loogu yeedho halkaasna ay ka dhex qaraxdo diidmo muran-gelinkarta in labada dhinac kulmiye ku sii midaysnaadaan, hadii xisbiga madaxweynuhu wareejin waayo, waxayna abuuri kartaa mucaaradad meel xun gaadha, maadaama xisbiga kulmiye maanta ay yihihiin 90% labadaasi beelood aynuna ognahay in somaliland inteeda kale raajicinayso burburka jeegaanta aanayna kulmiye rabin, mucaaradka dhinacooda ayaa raajicinaya kala jab ku yimaada kulmiyehanadda.

▪dad kale ayaa aaminsan in kulmiye caan ku yahay xalisashada khilaafka isla markaana uu xal ka gaadhi karo khilaaf kasta oo dhex yimaada, hadii taasi dhacdana waxa ay keeni kartaa in madaxweyne muuse muddo dheer sii hayo caynaanka qaranka, sidaa darteedna maxamuud la siin doono gudoomiyeninada ama wax kale oo uu ku qanco.

▪sidoo kale waxaa la filayaa in madaxweynuhu doonayo in uu sii haysto xisbiga uuna keenayo qorshe iska hor keenaya siyaasiyiinta barriga burco ee kulmiye ku jira, taas oo dagaal siyaasadeed ku dhex mari doono beesha dhexdeeda, waxaase la isku waafaqsanyahay in maxamuud siyaasiyiinta xilalka hada ka haya kulmiye, aanay iska caabin karin siyaasada maxamuud maadaama intii uu xilka hayayna uu waxbadan gashaday uuna kaga karti badanyahay beesha dhexdeeda siyaasadiisuna tahay mid mintida oo ay adagtahay in wasiirada beeshu loodiyaan ex wasiir xaashi, tan ayaa abuuri karta kala jab ku yimaada kulmiye oo keeni karta mucaaradad awood badan iyo garabyo xisbiga ka dhex abuurma curyaamiyana shaqada xukuumada iyo xisbiga oo laga yaabo in mucaaradka xisbiyada kale awoodaysto ayna wiiqanto taageerada kulmiyihii 55% ku guulaystay ay shacabku u hayeen.

▪Maxamuud iyo loolankiisa gudoomiyenimada kulmiye ayaa laga filan karaa in ay is hortaagto fidsanaanta kulmiye iyo taageeradda dowladu ka haysato barriga oo yaraata taas oo xisbiyada mucaaradka awood u siinaysa in ay si fudud u fashiliyaan xukuumada kagana adkaadaan doorashooyinka soo socda, waxaana dhici karta in bulshada kalena meel uga soo wada jeesato burburka jeegaanta si meesha looga saaro gaashaanbuurta awooda badan ee ay dhibsadaan beelaha kale ee dalku, kulmiye oo muran soo kala dhex galaana waxa ay horseedi kartaa burbur ku yimaada xisbiga oo wiiqa awooda xukuumadda,

Dadka aadka u yaqaana beesha bariga Burco ayaa aaminsan in Maxamuud yahay ninkii guusha kulmiye keenay, islamarkaana aaanay xukuumadu beesha dhexdeeda iskaga celin karin Siyaasiga Xirsi Cali x xassan oo isna saamayn wayn ku dhex leh beesha, aanayna suurto gal ahayn maxamuud la’aantii in la iska celiyo Hogaamiyaha Waddani.

Wax la sugaaba waa qorshayaasha siyaasada maxamuud iyo qaabka uu madaxweynuhu u qaabilo, ka hor ramadaanta ayaa la rajaynayaa in warka kulmiye banaanka yimaado, mucaaradka ayaa dhankooda ka dhursugaya sida ay kala yeelaan beelaha jeegaantu si ay iyana u dhistaan xisbiyadooda.

Calimahdi Jibriil Xasan

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here