4 Ujeedo Oo Itoobiya U Danaynayso Dekedaha Geeska

0
590 views
4 Ujeedo Oo Itoobiya U Danaynayso Dekedaha Geeska

4 Ujeedo Oo Itoobiya U Danaynayso Dekedaha Geeska

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Itoobiya ayaa isku fidisay dekedaha Geeska Afrika iyada oo saami ka doonaysa maaddaama aanay lahayn bad. Arrintaasi ayaa si weyn la isu waydiinaya ujeedooyinka ay ka leedahay siyaasad ahaan.

Itoobiya ayaa tan iyo 1990-kii waxay ku naaloonaysa gobolka Geeska Afrika oo ay ugu awood saraysay. Waxa taas u saamaxay baaxadda dhulkeeda oo weyn, dadkeeda oo badan iyo dhaqaalaheeda si fiican u kobcayay, halka dalalka Suudaan iyo Soomaaliya muddadaas la daala dhacayeen amni darro iyo argagixiso.

Sidoo kale waxay Itoobiya mudadaas xarun u ahayd ururka Midawga Afrika, iyada oo sidoo kale Ururka IGAD iyo ururada kale gobolka door muhiim ah ku yeelatay. Waxay sidoo kale qaaday tallaabooyin military oo ay ka mid yihiin in ay Somalia gashay 2006, islamarkaana aasaas u ahayd Ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya jooga.

Dawladda Itoobiya waxay muddooyinkii u dambeeyay dareentay Khaliijka oo ku loolamaya xeebaha gobolka. Xiisadda Qadar iyo xulufada Sucuudiga oo u soo gudubtay Geeska Afrika iyo dekedaha gobolka oo loolan loogu jiro.

Hoggaamiyaha 42 jirka ah ee dhawaan majaraha u qabtay dawladda Itoobiya wuxuu bookhday dalalka Kenya, Jabuuti iyo Suudaan waxaanu la galay heshiisyo ku saabsan in saami laga siiyo maamulka dekedaha. Waxay Itoobiya buuxinaysa booskii dekedda Doorale ee Jabuuti oo Imaaraadka laga saaray iyada oo Itoobiya, Somaliland iyo Imaaraadku shuraako ku yihiin maamulka dekedda Berbera ee Somaliland.

Wargeyska Daily Sabah ee Turkiga ka soo baxa oo warbixin ka qoray damaca dawladda Itoobiya ee gobolka Geeska Afrika waxa uu sheegay in Itoobiya doonayso in ay sii haysato saamaynteeda gobolka, islamarkaana ay iska caabinayso dalalka Khaliijka ee intii ka dambeysay dagaalka Yemen sida weyn u daneeyay saldhigyada iyo dekedaha xeebaha Geeska Afrika.

Wargeyska Daily Sabah wuxuu sheegay in afar ujeedo uun Itoobiya u doonayso dekedaha Berbera, Doorale(Jabuuti), Port Sudan iyo Lamu ee Kenya kuwaas oo kala ah:-

  • Waxay doonaysa in Eriteriya(Eritrea) ku sii jirto gadoonka siyaasadeed iyo dhaqaale.
  • Waxay Itoobiya raadinaysa in ay xaddido xidhiidhka Masar la yeelanayso dalalka Gobolka.
  • Waxay Itoobiya ka hor tagaysa saamaynta ay Geeska Afrika ku yeelanayaan kala safnaanta ka dhalatay xiisadda Khaliijka ee Qadar iyo xulufada Sucuudiga.
  • Tallaabooyinkaas oo dhanna waxay Addis Ababa u qaadaysa si ay u sii xejisato awooddeeda ee ay gobolka ku hoggaamiso

 

  • Sayruuqnews
  • Hargeysa-Somaliland
  • Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.