4 Arrimood Oo Iska Bedelay Nidaamka Madaxtooyada

0
1,019 views
4 Arrimood Oo Iska Bedelay Nidaamka Madaxtooyada

4 Arrimood Oo Iska Bedelay Nidaamka Madaxtooyada
Dareen muwaadin:
Maanta iyo booqashadaydii Madaxtooyada JSL.
Waxa hore la iigu sheegay ay adag tahay in Madaxtooyada la galo sidii waagii hore. Arinkaa in badan ayaan maqlay laakiin waxa dadku sheegayaan waxbaa badh ka jira, dhana waxba ka jiraan.
Xukumadihii hore haddii aad xataa askari ilaalo ah ama qof shaqaale ah ka taqaan qofkaas ayaa laga yaabaa in uu ku siidaayo, xataa iyadoo aanad balan lahayn.
Arinkaa imika waxbaa is badalay. Haddii aanad maalmo ka hor balan samaysan oo magacaaga la siiyo dhigin cid kasta noqo oo laguma sii daynayo.

Ilaa iyo sanadkii 1997kii ayaan mar kastoo aan dalka imaad ayaan xaflada ama booqasho caadi ah ku iman jiray madaxtooyada. Doorkan 4 arimood ayaan dareemay 2 maalmood oo aan gudaha Madaxtooyada galay.

1) Dhalinyaro badan oo hawsha Madaxtooyada ee dad la macaamilka qacanta ku haysa. Kuwaas oo ah Dhalinyaro aan qurbejog ahayn, balse aqoonyahano yahayo dalka wax ku bartay ama dibada oo dalka degenaa. Lehna habar dhaqan wanaagsan oo ilbaxnimo ka muuqataa.
2) Hugun la’aan iyo dadka muraad u socda oo aad ugu yar, sida salaadiin iwm oo aanad ku arkayn wax is daba socda.
3) Si isku mid ah ama hab isku mid ah oo ay raacayaan dhamaan dadka muraad u leh Madaxtooyada, xataa haddii aad sawir iyo booqasho caadi ah u socoto.
4) Garasho iyo magac weyni oo aan lagu siidaynayn haddii aanad balan lahayn la hubo waxaad u socoto iyo ujeedada la ogayn.

Waxa iiga baxay nidaam aad uga duwan wakhtiyadii hore.
Maanta booqashadu waxay ahayd mid caadi ah oo kuwii hore aniga iila mid ah, laakiin waxa aan la kulmay madaxtooyo aan ahayn kuwii hore.
Cid aan garto waxa aan kula kulmay saaxiib hore oo saxaafadu name kulmisay sanadkii 1997kii xiligii Jamhuriya ahayd saxaafada ugu weyn, waa Xasan Siciid oo ah imika Xoghayaha Xisbiga Kulmiye. Waa ninkaa sawirka igula jira.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.