3 Arrimood Oo Sabab U Ah In Somaliland Labadii Cishaba Hal Qof Shil Gaadhi Ku Dhinto

0
388 views

3 Arrimood Oo Sabab U Ah In Somaliland Labadii Cishaba Hal Qof Shil Gaadhi Ku Dhinto
Hargeysa(Sayruuq) Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay adkaynayso sida lagu helo Liisanka wadista baabuurta kadib shilalka gaadiidka oo noqday kuwo dad badan galaafta. Masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka ayaa shalay 20 xubnood oo ciidamada waddooyinka iyo waaxda Itixaamaadka Liisamada ka kala socda u furtay aqoon korodhsi ku saabsan sidii tayada darawallada kor loogu qaadi lahaa.
Siciid Cawil Ducaale oo ah khabiirka bixinaya tababarka kana soo shaqeeyay dalka Ingiriisku waxa uu sheegay in ay diyaarinayaan laba imtixaan oo laga qaado qofka doonaya Liisanka baabuurta kaas oo mid yahay aqoonta waddo marista midna si tijaabo ah loogu itixaamayo gaadiidka.
Wasiirka wasaaradda Gaadiid Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in daraasad la sameeyay muujinayso in Somaliland labadii maalmoodba hal qof ku dhinto khasaare gaadiidku gaystay “Maalin walba shil ayaa ka dhaca Somaliland. Daraasaddii u sambeysay waxa la ogaaday in labadii cishaba qof inagaga dhinto gaadiidka. Dhibaato ka wayn oo Somaliland ka jirtana isma lihi way jirta, saddex sababood baana lagu soo koobay markii aanu daraasad ka samaynay; waa darawal xumo, gaadiid xumo iyo waddo xumo waa saddexdaas.,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Cabdillaahi Abokor.
Wasiirku wuxuu sheegay in ay go’aansadeen in saddexdaas arrimood wax looga qabto sida ay u kala horreeyaan, islamarkaana marka koobaad wax laga qabto darawal xumada lana adkeeyo bixinta Liisamada “Waxaanu rajaynayna in Somaliland aanu ka cidhib tirno qof aan imtixaan soo marin( In uu Liisanka helo),” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirku waxa uu sheegay in aanu liisanka heli doonin qof aan marin labada Imtixaan ee la diyaarin doono oo loogu talo galay in qofka laga qaado muddo 40 Mirir ah. Waxa uu sheegay in hore ay u dhici jirtay in la iska bixiyo liisanka laakiin, aanay dib u dhici doonin in waji garasho lagu bixiyo liisamada “Waxaanu qorshayn doona dadkii hore u qaatay in dib loo itixaamo. Waxa kale oo aanu doonayna in qofka liisanka qaatay haddii uu khalad galo liisanka laga dalooliyo oo haddii uu khalad weyn galo ilaa laba sanno laga joojiyo wadista baabuurta,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.