Goormaynu Dareemi Ubaxa Daranyeysan? W/Q: Wariye Saciid Cagjar

0
412 views
Goormaynu Dareemi Ubaxa Daranyeysan? W/Q: Wariye Saciid Cagjar

Goormaynu Dareemi Ubaxa Daranyeysan? W/Q: Wariye Saciid Cagjar

Duruuf adag baan ku koray

Daryeel hooyana ma helin

Dadaal aabana ma arag

Tol iyo xidid ii damqada

Dadkana kuma lihi walaal

Waxaan u hoydaa derbiga

 

Ubaxa daranyeysan ee ay bacadka iyo boodhku  isku qabteen cago-cadaantana  ku joogaa waa mid aad laga naxo. ma haysataan hoy ay kaga dhuuntaan bahalaha, cadceeda  dhaxanta roobka iyo daadadka joogta ah waxa ay huwadaan Cirka dhulkana way gogladaan madaama oo aanay hu iyo hoy midna lahayn.

.

xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin waa mid aad looga deyriyo, waxa ay da, yaraan ku bilaaban qabatinka nuugista maandooriyayaasha gaar ahaan xabagta waxaay quutaan hanbada cuntada hudhaalada iyo guryaha lagasoo daadiyo  , aadbey ugu nugul yihiin iney qaadaan cuduro badan, ku darsoo dhaxamaha bustaha kaaga soo gudba ee aad ka seexan waydo ayey u feedho qaawan yihiin amaba ay kartoon iyo bac xun dusha iska saaraan, dhaxan iyo TB bay hore ka qaadaan mana haystaan waalid, Dawladda iyo shacabk u  damqada oo daweeyo

 

Mid ka mid ah caruurta guryo la’aantu asiibtay oo dareenkiisa sugaan ku cabiray ayaa yidhi “Badh baa daacuun u go’ay

Markay waayeen dabiib

Badh bay dhaxamuhu dileeen

Dufaankiyo iyo qabawga daran

Badh baa daad soo rogmaday

Habeen dumay uu la tegay

Naftooda badh baa deldelay

Markay noloshii naceen

Hooyooyinka derbi jiifta ah ma helin xanaanadii looga baahna iney Hooyadu hesho si ay iyada iyo ilmaheeduba u badbaadan, taasi oo keenta xaalada badan oo bini aadantinimada ka baxsan.

Derbi jiiftu waxey iskugu jiraan wiilal iyo gabdho halka ay gabdhuhu hadda si xawli ah ugu soo kordhayaan, idil ahaantoodna waxa lagula kacaa tacadiyo badan oo ay ka mid yihiin ,jidh dil , kufsi iyo hadalo bahdilaan ah oo qalbiga lagaga dhaawaco .

waxa jira kiisas badan oo kufsiyo loogu gaystay gabdhaha yar yar ee derbi jiifta ah, sida ay noo xaqjiijyeen bahda Cisbitaalka guud iyo ururada xuquuqal insaanka  ha noqdaan kuwo uga yimaada derbi jiifta kale amaba dadka kale ee ka faa,iidaysanaya duruufta iyo dayaca ka muuqda  oo ay u badan yihiin dadka mandooriyaasyaha xun qabatimay  waxa ay qaar badani u qudh baxaan falal foolxun oo kufsi ah oo lagula kacey gar iyo mag la,aana way ku dhintaan.

Halka ay qaar kalena ka dhaxlaan ubad aaney aqoon u laheyn cid dhashey, iyagoo la mara duruufo adeg “ bal qof tiisii u taag la, oo tu kalena loogu darey ka waran?”, waxaa iyana halkaa lagu faafin karaa cudurada gudba  oo kamid ah cudurrada galmada  layskugu gudbiyo, kaasi oo si fudud bulshada ugu baahi kara haddiiba aaan wax laga qaban tacadiyadaas lagula kacayo hablaha yaryar ee darbi-jiifta ah

waxa dhaca shilal baabuur oo ay ku dhintaan caruur derbi jiif ah oo aan su,aalba leyska waydiin halkey ku danbeeyeen iyo waxa laga yeelay toona, mararka qaarna waxaabad arkeysaa iyadoo si ula kac ah loo dilayo oo waardiyaasha goobaha ganacsi ee waaweyn ilaaliyaa qaarkood xabadda kamaba duwaan.

 

Cabdiraxmaan Xako oo ka mid ah  darbijiifka  ayaan waydiyey  Waa maxay Ujeedada dhabta ee aad uu isticmaalayso xilligan aad xilligaan cabayso?

“Qofba si ayuu uu caba aniga waxaan uu cabaaya….waxaan arkay Caruurta saxiibaday oo isticmaala ana waa ay ii bareen hadana waan la qabsaday oo waxaan u cabaayo maba Xasuusto hadaan waayo waxaan aminsanahay in aanan dhimanaayo”.

Xilligi aan la kulmaayay Carrurtaan ayaa waxaa ay ahayd xilli qoraxdu ay aad uu kululayd, waxaana ay dadku uu kala socdeen guryahooda iyaga oo saaran gadiidka raaxada iyo gadiidka dadweyanah . Waxaana ay carrurtaan ahaayeen kuwa ay iskaga daala dhacaaya wadooyinka magaaladda.

Caruurta hoy iyo qoys la’aanta ayaa ah kuwo noloshoodu ay aad uu si wiiqayso markaad aragto waxaad ka dareemaysa xaalad nolol xumo oo haysta. waa kuwo aad kuu saameynaya markaad u fiirsatid indhahana la raacraacdid nolosha ay ku nool yihiin.

 

Hadaba nolol xumadda ee haysata Carrurta ayaa waxaa ay imaanaysa xilli Somaliland ay 27 Sanno jirtay shan Madaxweynana soo mareen  Hay’addo Samafalna ay  suganyihin kuwaasi oo aad moodo in ay ka gaabiyeen wax uu qabashada carrurtaasi.

Waxaana ay Carrurtada darbi jiifka ayaa  baaq uu jeediyeen Hay’addaha samafalka iyo Xukumadda Somaliland  in ay lasoo gaadhaan gurmad deg deg ah, waxaana ay sheegeen in aanay kusi jiri doonin Nolosha ay hada ku noolyihiin.

Kuwii dadka ii xigaan

Agtooda ku daal-qabaa

Maxaan calnoyow deldelan

Dar-xumo hoostaada iyo

Lur iyo dalan-dool ku maray

Afeef: Xuquuqda Eray waxa ay u dhawrsan yihiin Abwaan Cabdirixiin Sidiiq – Heello. Waan Maansada darbi Jiif ee ka curiyey dareenka caruurta la dayacay

Suxufi Saciid Cagjar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here