2 Wariye Oo 7 Bilood Oo Xadhig Ah Lagu Xukumay

0
63 views
Magacyada 3 Nin Oo Maxkamad Ciidan La Taagay

2 Wariye Oo 7 Bilood Oo Xadhig Ah Lagu Xukumay

Maxkamadda gobolka Saaxil ayaa xukun ku riday laba wariye oo ka hawl gala magaalada Berbera. Axmed Siciid iyo Cabdiraxmaan Cige oo ka kala tirsan telefishannada Saab iyo Eryal ayaa midkiiba lagu xukumay 7 bilood oo xadhig ah.

Wariyeyaasha oo dammaanad ku joogay intii dacwadoodu socotay ayaa la sheegay in ay iibsadeen xadhiga lagu xukumay islamarkaana ay hadda xorriyaddooda haystaan.  Wariyeyaasha waxa lagu haystay in ay warar been abuur ah baahiyeen waxaana dacweeyay maayarka Berbera.

Muddo kooban oo uu xilka hayay Madaxweyne Muuse Biixi waxa la xukumay 4 wariye waxaanu xukunka maantu ku soo beegmaya xilli warbaahintu ka warwarsan tahay hadal shalay ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta oo ku saabsan in madaxda dawladdu isticmaali doonto warbaahinta dawladda oo kaliya, sidoo kalena lala xisaabtami doono madaxda hay’adda warbaahinta halkii laga xidhi laha wariyaha khalad gala.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.