Xoghaye Loo Magacaabay Dawladda Hoose Ee Hargeysa

0
95 views
Xoghaye Loo Magacaabay Dawladda Hoose Ee Hargeysa

Xoghaye Loo Magacaabay Dawladda Hoose Ee Hargeysa

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii dawladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale waxaanu xilkaasi u magacaabay Axmed Yoonis Aadan Mire. Warqad ka soo baxday wasiirka ayaa lagu sheegay magacaabista masuulkan cusub lamana sheegin sababta loo bedelay xoghayihii hore.

Xoghayaha hore iyo maayarka caasimadda ayaa khilaaf xooggan soo kala dhex galay waxaanay muddo isku dhaafsanayeen saxaafadda hadallo kulul kadib markii xoghayuhu sheegay in Maayarku si sharci darro ah u isticmaalo dhaqaalaha dawladda hoose isaga oo ku sifeeyay in uu ka dhigtay shirkad ama meherad uu leeyahay. Dacwaddan ayaa gaadhay wasaaradda arrimaha gudaha oo soo magacawda xoghayaha dawladda hoose oo metela xukumadda dhexe.

Xoghayaha dawladda hoose ee hadda la magacaabay ayaa noqonaya xoghayihii lixaad ee la shaqeeya Maayar Soltelco oo la doortay 2012-kii. Xoghayeyaasha ayaa intooda badan xilka hayeen wax ka yar hal sanno iyada oo ay mar walba is khilaafayeen Maayarka, islamarkaana laga bedelayay. Afar ka mid ah xoghayeyaasha saldhigi waayay ayaa ka soo jeeday degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa lamana oga sababta ugu weyn ee muranka Maayarka iyo xoghayeyaashiisu ka dhashaan.

Xoghayaha cusub ayaa ka soo jeeda beesha Isaxaaq ee bariga Hargeysa oo kursigaasi ku fadhiday ka hor xoghayeyaasha reer Axmed Dhagax. Xoghayaha u dambeeyay ayaa si weyn iskaga caabiyay maayarka laakiin, waxa muuqata in uu ka guulaystay Maayar Soltelco, islamarkaana wasiirka Daakhiliga oo ah masuul hayin ah hadda xilka dhaafiyay xoghaye Cali Xasan Cawaale.

Xoghaye Loo Magacaabay Dawladda Hoose Ee Hargeysa

“Saxeexayga Iyo Shambadayda La Koobiyeeyay,” Xoghaye Cali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.