150 Tahriibe Soomaali Iyo Itoobiyaan Ah Oo Dooni La Degtay

0
60 views
150 Tahriibe Soomaali Iyo Itoobiyaan Ah Oo Dooni La Degtay
Sawir hore

150 Tahriibe Soomaali Iyo Itoobiyaan Ah Oo Dooni La Degtay

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ay degtay Dooni siday 150 qof oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo 23-kii bishan ka shiraaqatay magaalada Cadan ee dalka Yemen kuna sii jeeday Jabuuti. 30 qof ayaa la sheegay in ay shilkaasi ku dhinteen.

“Hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM iyo hay’adda qaxoontiga adduunka ee UNHCR waxay ka murugaysan yihiin rabshadaha tahriibiyeyaasha. In ka badan 100 tahriibe oo Itoobiyaan ah iyo inka badan 50 qof oo Soomaali ah ayaa badda kula kulmay axmaqnimada tahriibiyeyaasha. 30 qof ayaa ku dhintay shilkan murugada leh, waxaana la soo qaaday maydadkooda,” Sidaas ayay tidhi hay’adda IOM.

Waxa la rumaysan yahay in magafeyaasha doonta wada rasaas ku fureen tahriibeyaasha “Badbaadeyaasha ayaa sheegaya in doon la buux dhaafiyay oo 23-kii bishan ka baxday Cadan kuna sii jeeday Jabuuti oo ay saarnaayeen 152 Soomaali iyo Itoobiyaan ah ay dagtay taas oo ay wararku sheegayaan in sababta ay u degtay ahayd rasaas lagu furay dadka saaran,” Sidaas ayay tidhi hay’adda qaxoontiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Qaramada midoobay ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii shilkan aad loogu fahmi laha manay bixin warar dheeraad ah. Waxay sheegtay amni darrada ka dhacday Yemen sii waddo xadgudbiyada ka dhanka ah aadamaha ee ay la kulmayaan dadka nugul ee qaxoontiga iyo tahriibeyaasha ah, kuwaas oo la kulmayo xadhig, tahriibin iyo masaafurin.

Dhacdadan ayaa imanaysa iyada oo sanadkii hore xeebaha Yemen lagu duqeeyay doonni siday dad badan oo Soomaali ah xasuuqaasna ay  ku dhinteen dad badan oo Soomaali ah kuwaas oo ay masuuliyadda duqaynta isku tuurtuureen Xuutiyiinta iyo Xulufada Sucuudiga.

Dhawaan ayaa duqa degmada Lughaya sheegay in doomo sharci darro ahi tahriibeyaasha ka qaadan xeebaha gobolka Awdal si ay u gaadhsiiyaan dalka Yemen ee colaaddu ragaadisay. Arrintan ayaa timid markii gaadhi siday ilaa 40 tahriibe ay miino kula kacday degaan u dhaw Lughaya, islamarkaana dadkaasi oo aanay wax dhib ahi gaadhin badan koodu ku baxsadeen doon qaaday halka badhkood la qabqabtay

Halkan ka eeg arrimaha ka soo kordha arrintan

UNHCR Twitter

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.