Midawga Afrika Oo Si Kulul Uga Jawaabay Erayadii Madaxweynaha Maraykanka

0
102 views

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump inuu ka laabto hadal gaf ahaa oo la sheegay inuu u adeegsaday wadammada Afrika islamarkaana uu raaligelin hadalkaasi ka bixiyo. Bayaan si adag loo soo qoray ayuu Midowga Afrika ku muujiyay sida uu uga cadhaysan yahay hadallada la sheegay, kuwaas oo sharaf dil ku ah qadarinta Mareykanka uu siin jiray kala midab duwanaanshiyaha.

Wakiillada Midowga Afrika ee ku sugan caasimada Mareykanka ee Washington, ayaa muujiyay sida ay “uga xun yihiin, ugana cadheysan yihiin oo ay u diidan yihiin” hadalkii la sheegay inuu ka soo yeedhay Trump, taasi oo ay ku sheegeen inay xaqiijineysa in maamulka Mareykanka uu si qalad ah u fahmay qaarada Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa u yeedhay safiirka dalkeeda ee Maraykanka, waxa ayna hadalka madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aan loo dulqaadan karin oo qeyru mas’uulnimo ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa sheegtay sidoo kale inay rajeyneyso in dadka Mareykanka aysan la qabin madaxweyne Trump fikradaan ka dhanka ah dalalka Afrika.

Dr Pelonomi Venson Moitoi, ayaa u sheegtay BBC-da in erayga uu adeegsaday madaxweyne Trump uu ku yahay gef qaarada Afrika.

Hadalada lagu eedeeyay inuu sheegay Trump ayaa yimid xili xildhibaanada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga ee Aqalka Congress-ka ay maalintii khamiista xafiiskiisa ku booqdeen Trump si ay uga wada hadlaan arrimaha muhaajiriinta, xiligaas oo ahayd markii uu Trump hadalada gefka ah jeediyay.

Balse Trump ayaa fariin uu ku soo qorey Twitter-kiisa waxa uu ku sheegay in erey bixinta uu isticmaalay ay ka duwanayd tan ay warbaahinta faafisay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.