15 Hay’adood Oo Warqad U Diray Madaxweyne Biixi

0
925 views
15 Hay’adood Oo Warqad U Diray Madaxweyne Biixi

15 Hay’adood Oo Warqad U Diray Madaxweyne Biixi

15 hay’addood oo ah kuwa hormuudka u ah xuquuqal Iisaanka ee Afrika ayaa dhambaal u diray madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi Lixdii bishan. Hay’addahan ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu wax ka qabto qalalaasaha ka taaggan xorriyadda saxaafadda Somaliland iyo tan muwaadiniinta.

Waxay ugu baaqeen in madaxweynuhu xil iska saaro xorriyatul qawlka, xuquuqda isu soo baxyada, xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda shakhsiyaadka ee Somaliland.

Hay’addahan ayaa walaacooda ku saleeyay saddexdii bilood ee u dambeeyay oo Somaliland lagu xidhay 5 wariye laba telefishanna la xayiray. Sidoo kale muwaadiniin kale oo Naciimo Qorane ka mid tahay lagu xidhay arrimo fikirkooda ku salaysan.

Halkan kaga bogo liiska hay’addaha iyo warbixintooda

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here