“Aniga Iyo Hoggaamiye Xirsi Nalama Odhan Xaggeed Ka Timaaddeen..” Cabdiqaadir Jirde

0
198

Burco(Sayruuq) Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa xisbiga Kulmiye ku eedeeyay qabyaalad, islamarkaana sheegay in xisbiga Waddani lagu maamuusay xilalka u sarreeya isaga iyo Xirsi iyada oo aan loo eegin qabyaalad.

Mr Jirde oo khudbad ka jeedinayay magaalada Burco waxa uu Kulmiye ku eedeeyay in la isu abtirinayo “Xisbigeenu muxuu asxaabta kale kaga duwan yahay? Xisbi la isu abtiriyo maaha, abtirsiimo ma leh, lama yidhaahdo reerkeed ka timid,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Jirde oo la hadlayay boqolaal taageerayaasha Waddani ah.

Waxa uu intaasi raaciyay in jagooyinka u sarreeya la siiyay isaga iyo hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyada oo ay beelo tiro badan xisbiga uga horeeyeen “Labadii xil ee xisbiga ugu sarreeyay aniga guddoomiyaha kumeel gaadhka ah iyo Xirsi Xaaji Xasan oo hoggaamiyaha xisbiga ah ayaa nalagu maamuusay iyada oo intaas oo beelood naga soo horaysay. Nalama odhan xaggeed ka timaaddeen? Yaad ahaydeen? Yaad u dhalateen nalama odhan, waxaynu se arkayna Kulmiye in la isu abtirinayo oo reer hebel iyo reer hebel… marka labada xisbi intaas ayay ku kala duwan yihiin,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Jirde.

Xisbiga Kulmiye ayaa dhalliilo dhinaca qabyaaladda ah la kulmayay maalmihii u dambeeyay kadib markii beelaha Habar Jeclo iyo Subeer Awal shaaciyeen heshiis dhex maray oo ah in ay Kulmiye wada dhistaan. Eng Faysal Cali Waraabe, Musharrax Cabdiraxmaan Cirro, siyaasi Cabdillaahi Jawaan iyo qaybo bulshada ka mid ah ayaa walaac ka muujiyay saamaynta qabyaaladeed ee arrintaasi yeelan karto.

Sayruuqnews

Burco-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here