Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo Hargeysa Soo Gaadhay Socodna Ku Galaa Bixin Doona Tuulooyinka Bari Ee Fog

0
298 views

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirro, madaxdhaqameed iyo xubno xibsiga Kulmiye ka tirsan ayaa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka tirsan xisbiga Kulmiye. Socdaalka Prof-ka ayaa la xidhiidha ololaha xisbiga waxaanu sheegay in uu socdaal ku mari doono gobollada iyo degmooyinka fog-fog ee bariga dalka.

“Waxaan filaya in sanadkani noqon doono mid ay dadka Somaliland guulo badan helaan, xisbiga Kulmiyena helo. Anigu mabsuud baan ku ahay soo noqoshadayda oo hawshii balaadhnayd(Ololaha doorashada) ayaa waddanka gudihiisa ka bilaamatay, marka waxaan rajaynaya in marka aan yara nasto Bari u baxo ilaa inta lugtu gaadhi karto, Laasqoray iyo inta ka shishaysa haddii la gaadhi karo oo aan muddo ku maqnaado oo aan magaalooyinka yaryar, daabiyadaha iyo magaalooyinka waaweyn soo arko oo dadka lala soo sheekaysto farriinta xisbigana la gaadhsiiyo,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar.

Prof Samatar ayaa ka mid ah khubarada qortay buugga xisbiga Kulmiye ku galayo ololaha doorashada bisha soo socota ka dhacaysa Somaliland, waxaana la rajaynaya in uu bulshada u sharraxo qorshaha xisbiga Kulmiye oo uu haatan ka mid yahay.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here