“ Gabadhii Guriga Lahayd Waxa Lagu Yidhi Kulmiye Mooye Xisbi Kale Ma Iman Karo Halkan,” Xisbiga UCID Oo Walaac Muujiyay

0
1 views

Hargeysa(Sayruuq) Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa walaac ka muujiyay xafiis uu ku leeyahay magaalada Hargeysa la weeraray, islamarkaana mulkiilaha guriga lagu wargeliyay in aanu gurigiisa ka karayn xisbiga. Arrintan ayaa xanaf ku abuuraysa siyaasadda kana soo horjeeda dimuqraadiyadda iyo in xisbiyadu meel kasta ka furtaan xafiisyo kana ololeeyaan.

Maxamed Cumar Jiir xoghaya golaha dhexe ee xisbiga UCID ayaa sheegay in xafiiska xisbiga ee xaafadda 150-ka ay weerareen taageerayaasha Kulmiye “Xafiiskii Juun ee xisbiga UCID waa laga gooyay boodhkiisii, dhalinyaro faro badan iyo dad waaweyn baa u yimid gabadhii guriga lahayd, waxay ku yidhaahdeen ma doonayno xafiiska cid kale in ay timaaddo xisbiga Kulmiye mooyaane, taasi sharciga iyo doorashada toona ku munaasib maaha, dimuqraadiyaddana ku munaasib maaha,” ayuu yidhi Mudane Jiir

Waxaanu intaasi raaciyay “Haddii abtinimada Muuse Biixi ka shaqaynayso Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe oo guryo 20 ka badan ka helay, Abtinimadii Faysal-na maanta marayso ceeb iyo fadeexad in ay ka dhex noqoto 26 June iyo Koodbuur waa wax aan munaasib ku ahayn dhaqanka Soomaalida iyo ka degaanka, dhaqanka dadka ood-wadaagta ahna aan munaasib ku ahayn.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in hab-dhaqanka noocan ahi xanaf ku abuurayo siyaasadda, islamarkaana keenayo in magaaladu daamo kala noqoto “Waxaanay ogayn dadka goynaya (Boodhadhka Xafiisku) in ay nusqaan ku noqonayso in xisbiga Kulmiye ka ololeeyo Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge,” sidaas ayuu yidhi Mudane Jiir.

Masuuliyiinta UCID ayaa ka digay siyaasadda ololaha haddii qabyaalad lagu ladho in ay mushkilad keenayso, islamarkaana ay ka soo horjeedo qarannimada iyo loolanka dimuqraadiyadda.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here