120 Shaqaale Oo Madaarka Laga Caydhiiyey

0
56 views

120 Shaqaale Oo Madaarka Laga Caydhiiyey

Hargeysa(Sayruuq)-shaaqale lagu qiyaasay ilaa 120 ayaa laga eryay madaarka caasimadda hargeysa ee Igal International airport ,shaqaalahan oo afaafka hore ee Madaarka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si cad loogu sheegay in ay shaqaddi laga joojiyay ,hadii loo baahdana gadaal looga soo sheegi doona ,arrintan ayaa shaqaalahaasi gadoodsani ka biyo diideen qaabka loola dhaqmay iyo habka shaqada looga caydhiyey .

Maareeyaha Hay`adda Madaaradda Somaliland

hooyo da`adda afrtaneeyaha ah oo shaqaale ka aheyd ayaa arrintaasi madaxweye Biixi iyo maareyaha hayadda madaaradda ugu caqli celisay in dib uga laabtaan shaqo caydhinta ay ku hayaan shaqaalahaasi “Maareeye iyo Madaxweyne maxay qabtay doorashadaadi iyo xuquuqadda aad laheyd xaquuqdaan idin gaadhsiinayaa dadka maatida ah ee aan waxba haysan, boqol doolar baan ku shaqeyn jiray ka lix ka lix waan joogi jiray afarta habeenimo ayaan shaqadan soo gali jiray oo hooyo xaaslay ah baan ahey oo ubad yaryr haysta oon aabahoodna u joogin ,maxay noqotay indhahaagi maatidii iyo dadkii danyarta ahaa tustoee meeshan ka shaqeyn jiray? ”

Madaarka Cigaal International Airport

mar ay warfideeyeenku waraysi arrintan ka waydiiyey maamulaha madaarka Cigaal ee caalamiga ah Mr Maxamed Yuusuf waxaa uu ku jawaabay “wax shaqaala ah oo la eryay ma jirto marka laga tagi waayo ,waxaa jira  lixdan iyo lixdan qof ah oo  shaqadii laga hakiyey, sababaha shaqadaa looga hikeyayna barigii hore waxaa aheyd wasaaradda oo waxa jiray wasiir ,wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle waxaanay u dhaqmi jirtay qaab-dhismeedka wasaaradaha kale somaliland ay u shaqeeyaan isbadalkii dalka ka dhacay ee xisbigii madaxweynihii hore iyo madaxweynaha cusub ee la doortay ee muuse biixi cabdi waxaa uu badalay qaabdhismeedkii hore ay shaqeyn jireen wasaaraddi waxaanu ka badlay nidaamkii iyo qorshahii ay u shaqeyb jirtay waxaanu ka dhigay hay`ad sida adduunka oo kale oo iyaduna la mid tahay”

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa taladda dalka haya muddo ku siman saddex iyo afrtan maalmood,muddan kooban ee Madaxweynuhu caynaanka hayay waxaa soo baxaya warar badan oo sheegayaa in hay`addo iyo wasaaraddo badan shaqadii laga caydhiyey shaqaale

subaxnimo

Daawo Warkan Oo Muuqaal Ah 

Wasiirka Duulista oo la waydiidyay

contact@sayruuq.com

syaruuqnews.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.