109 Shaqaalaha Madaxtooyada Ah Oo Shaqada Laga Caydhiyay

0
145 views

Hargeysa(Sayruuq) 109 qof oo ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay in aanay dib madaxtooyada uga shaqayn doonin, islamarkaana ay muddo laba bilood ah fadhiga ku qaadan doonan mushahar intaas kadibna ay sidaas kaga baxayaan shaqada dawladda. 14 ka mid ah shaqaalaha ayaa la sheegay in ay yihiin bedel meelo kale loo diray.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo Madaxtooyadu ka soo saartay arrintan laakiin, xogaha ay Sayruuqnews ka heshay arrintan ayaa sheegaya in aan shaqaalaha loo sharraxin sababaha keenay in shaqada laga eryo. Nidaamka cusub ee Madaxweyne Muuse ayaa u muuqda in uu soo xero gelinayo dad la soo shaqeeyay intii uu kursiga halkan ugu jiray.

Waaxda warfaafinta madaxtooyada ayaa ka mid ah dadka shaqada laga eryay iyada oo la soo galiyay waaxdii warfaafinta ee Madaxweyne Muuse kula soo shaqaysay dhinaca xisbiga. Wariyaha gaarka ah ee Madaxweynaha ee hore Siilaanyo ugu warrami jiray iyo wariyihii Madaxweynaha xilligii musharraxnimada ayaa la sheegay in ay booska isku qabsadeen laakiin, haatan xaal mastuur lagu heshiisiyay.

Warar kale oo Sayruuqnews heshay ayaa sheegaya in wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee kale ku jiraan kala hufid dhinaca shaqaalaha ah oo la kawsaday nidaamka xukumadda cusub, islamarkaana dad badan oo shaqaynayay ka warwarsan yihiin in ay shaqadooda waayeen kuwana laguba wargeliyay in shaqada laga fadhiisiyay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here